U bood dhigaalka

Qabanqaabada aaska Xildhibaan Madeer oo ka socota Muqdisho

Sheeko:War
madeer
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer

Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota qabanqaabada aaska Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer oo shalay dabley hubeysan ay ku dileen degmada Xamarweyne ee magaaladan Muqdisho. Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa saaka xiray Wadooyin ka tirsan magaalada.

Xayiraada lagu soo rogay isticmaalka wadooyinkan ayaa lagu sheegay qabanqaabada loogu jiro aaska xildhibaanka. Xildhibaanka ayaa lagu wadaa in lagu aaso isbitaalka Madiina.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Madeer waxa uu ahaa Guddoomiyaha guddiga maaliyadda ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Tan iyo markii magaalada Muqdisho shalay oo Jimaca ahayd lagu dilay xildhibaan Sheekh Madeer waxaa isasoo tarayay   dhaleeecaynta loo jeedinayo kooxaha fuliyay weerarkaasi.

War ka soo kala baxay Madaxda ugu saraysa dalka ayaa lagu sheegay in wax laga xumaado ay tahay weerarka lagu beegsaday xildhibaanka.

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ayaa dhankooda sheegay in ay ka xun yihiin weerarka lahgu dilay mudanaha. Dabayaaqadii bishii Ramadaan ayay ahayd markii bartamaha Muqdisho lagu dilay Xildhibaan Saado Cali Warsame oo ka mid ahayd xildhibaanada Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Tan iyo markii uu bilowday sanadkan waxaa Muqdisho lagu dilay lix xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya