U bood dhigaalka

Qabanqaabada shirka lagu mideynayo Mudug iyo Galgaduud oo ka socoda Cadaado

Sheeko:Dalka

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa magaalada Cadaado ka bilaabay qabanqaabada shirka lagu mideynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud oo dhowaan la filayo in lagu qabto halkaas.

Madaxwayne ku xigeenka Ximan iyo Xeeb Cabdi Maxamed waxa uu sheegay in magaalada ay ku soo qul qulayaan wafuud doonaysa in ay ka qayb galaan shirka lagu midaynayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

“Ka maamul ahaan waxaan adkeenay ammaanka magaalada waxaan sidoo kale diyaarinay hoteeladii ay dagi lahaayeen masuuliyiinta ka qeyb galeysa shirka” ayuu yiri Cabdi Maxamed.

Maamulka Ximan Iyo Xeeb ayaa goor dambe ogolaaday in uu qeyb ka noqday heshiiska lagu doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Mudug iyo Galgaduud.

Hoos ka dhageyso codka Cabdi Maxamed :