U bood dhigaalka

Qabiir Dhanka Ammaanka Ah Oo Sheegay Sababta Ka Dambeysa In Ay Dib Isku Soo Abaabulaan Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Korneel Cabdullaahi Aadan Cirro oo ah qabiir dhanka ammaanka ah ayaa ka hadlay sababta ugu weyn ee xilligaan keentay in ay dib isku soo abaabulaan Xarakada Al-shabaab, xilli dowladda ay horay u qabsatay deegaano badan.

Waxa uu sheegay Korneelka in ka dib markii ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ay hakiyeen howlgalada ku aadan la wareegista deegaanada Al-shabaab maamulaan in ay soo dedejisay in ay dib iyaguna isku soo abaabulaan.

Sidoo kale waxa uu sheegay hadii aysan dowladda Federaalka iyo AMISOM aysan sii wadin dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab in taasi ay noqon doonto fursado muhiim ah oo Xarakadu hesho, kuna soo laabato deegaano badan sida hadda ka muuqata gobalka Shabellaha Hoose, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ciidamada howlgaladii lagu ogaa sanad kahor wax dhaqaaq ah ma aysan sameyn, fadhigii ay meelaha fadhiyeen waxa ay keentay in cadowgooda uu is soo diyaariyo oo uu wax badan sameeyo, nimankaan Al-shabaab ah qaabka ay ku socdaa waa in ay dhahaan oo kaliya waan is qarxinay ama meel ayaan galnay, balse fikirka dhabta ah waxa uu yahay in ciidamada aysan Sanad ku dhawaad howlgal sameyn, waana sababta Al-shabaab usoo xoogeysteen” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi.

Sidoo kale Korneelka ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan hay’adaha amaanka ku shaqada leh ay fursad siiyeen Al-shabaab, waxaana uu ku baaqay in dib u habeyn lagu sameeyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, dibna u bilaabaan howlgalkooda.

Xarakada Al-shabaab ayaa wixii ka dambeeyay bilshada bisha Ramadaan waxa ay xoojiyeen dagaallada ka dhanka ah dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, dhinaca kale waxa ay qaadeen weeraro Ismiidaamin u badan.

Goobjoog News