U bood dhigaalka

Qad Tareen oo Isku Xiri Doonaa Jabuuti iyo Itoobiya oo Xarigga Laga Jarayo

Sheeko:Caalamka

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa lagu wadaa in Arbacada ay xarigga ka jaraan qad cusub oo tareen oo isku xiraya labada dal, waxaana lagu tilmaamay talaabo weyn oo horey loogu qaaday dhanka kobaca dhaqaalaha.

Qadkani ayaa waxa uu dhanyahay 752 km, waxaana maalgaliyey, islamarkaasina dhisey Shiinaha , iyada oo waddadani tareenka ay Itoobiya ka caawin doonto in badeecooyinka kasoo dega dekada Jabuuti ay si sahlan ku gaaraan.

Illaa 10 saacadood oo kaliya ayay hadda qaadan doontaa in loo kala goosho Addis Ababa iyo Jabuuti, halka markii hore ay qaadan jirtey muddo 2 maalmood, waxaana la isticmaali jire waddo buuro dusheeda iyo qarfo ah.

“Wadada u dhaxeysa Jabuuti iyo Itoobiya waxaa hadda maalin kasta isticmaala 1500 gaari oo xamuul ah, tiradaasi waxa ay gaari doontaa illaa 8 kun muddo shan sano gudahood ah “ ayuu yiri Abuubakar Haaddi, maareyaha dekada Jabuuti.

Qadkani oo ku shaqeeya danabta quwaadda korontada ayaa waxa ay waxa ay awooddiisa dhantahay in uu xamilo xamuul gaaraya illaa 3500 oo tan halkii mar, tanina waa 7 jeer wax ka badan xamuulkii hore.

Dhaqaalaha Itoobiya ayaa aad sare u kacay, iyada oo 90% waxa ay Itoobiya soo dajisato ay soo maraan dekada Jabuuti.

Qadka cusub ee tareenka ayaa waxaa laga dul dhisey qadkii hore ee tareenka ee Faransiiska iyo Itoobiya ay wada dhiseen sanadkii 1917-kii, kaasi oo shaqada joojiyey muddo dheer ka hor.

Dalka Jabuuti oo ka mid ah waddamada Africa ugu yar ayaa waxa ay sameysey hawlo badan oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaale, waxaana ka mid ah illaa 6 dekadood oo cusub iyo labo garoon diyaaradeed oo waaweyn, waxayna rajadu tahay in ay xarun u noqoto ganacsiga waddamada Africa.

Goobjoog News