U bood dhigaalka

Qalab Caafimaad Oo la Gaarsiiyay Isbitaalka Bandiiraley

Sheeko:Caafimaadka

Qalab Caafimaad ayaa la gaarsiiyay Isbitaalka guud ee Magaalada Bandiiraley ee gobolka Mudug kaasi oo ay baahi weyn u qabeen bulshada ku dhaqan Bandiiraley iyo deegaannada hoos yimaada.

Qalabkan Caafimaad ayaa waxaa soo dhiibay Jaaliyadda deegaanka ee ku nool wadanka Sweden waxaana lagu wareejiya Maamulka Isbitaalka.

Agaasimaha Isbitaalka Bandiiraley Saciid Cabdi kadiye ayaa sheegay in baahiyo badan ay ka jiraan Isbitaalka isaga oo xusay in qalabkan caafimaad ay la wareegeen isla markaasna ay wax ka tari doonaan baahiyaha Isbitaalka.

“Qalabkan reer Bandiiraley waxay uga faa’ideysan doonaan baahiyahii ay horay u qabeen waxayna uga bixi doonaan, Isbitaalka waxaa ka jira dayacaad badan bukaanadana waxay jiifaan dhulka mana haystaan sariiro ay ku jiiftaan bukaannada”.

Isbitaalkan ayaa horay waxaa u aas-aasay bulshada ku dhaqan Magaalada Bandiiraley ee gobolka Mudug waxaana ka jira Isbitaalka dayac dhanka jiifka ah.

Goobjoog News