U bood dhigaalka

Qalbi Dhagax Oo Gaaray Boosaaso, Shakina Geliyey Imaanshihiisa Muqdisho

Sheeko:Dalka

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa maanta waxaa lagu soo dhoweeyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Qalbi Dhagax oo ka mid ah jabhadda ONLF ayaa ka yimid magaalada Hargeysa oo maalmihii ugu dambeeyey ku sugnaa, waxaana safarkiisan ku wehlinaya xubno kale oo jabhaddaasi ka tirsan.

Waxaa lagu wadaa in halkaasi uu kula kulmo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu kala hadli doono arrimo dhowr ah.

Qalbi Dhagax ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Hargeysa wuxuu ka hadlay in safaradda uu ku marayo gobollada dalka ku tagi doono Muqdisho, wuxuuna sheegay in hadda aanay taasi qorshaha ugu jirin.

Waxa uu tilmaamay inuu tagi doono magaalooyin ka mid a Puntland iyo Galmudug.

Goobjoog News