U bood dhigaalka

Qalbi Dhagax oo lagu soo dhoweeyey Hargeysa

Sheeko:Dalka

Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta gaaray xubno ka mid ah jabhadda ONLF oo uu hoggaaminayey C/kariin Qalbi Dhagax.

Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey wasiirro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin Somaliland ah, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku sugnaayeen dadweyne badan oo watey calanka Somali State.

Qalbi Dhagax ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay Hargeysa imaan doonaan xubno kale oo ONLF ah, isaga oo sheegay in ay la kulmi doonaan madaxda Somaliland.

Lama oga ulajeedka rasmiga ah ee Qalbi Dhagax u tagay magaalada Hargeysa, balse Somaliland ayaa horey u casuuntay Qalbi Dhagax.

Goobjoog News