U bood dhigaalka

Qalbi-dhagax Oo Soo-deynta Kadib hadlay: Qabashadeydii Xamar Ashkhaas Yar Ayaa Geysatay

Sheeko:Dalka

Cabdikarim Qalbi-dhagax oo sii-deyntiisa kadib markii ugu horreysay hadlay ayaa u mahadecliyay dhammaan umadda Soomaaliyeed

Cabdikarim Qalbi-dhagax oo arrintan ka hadlaya waxaa uu yiri“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed, oo runtii aniga Cabdikarim Sheekh Qalbi-dhagax ah oo qabashadeydii Xamar ashkhaas yari ay geysatay aad uga dhiidhiyay, runtii is garab taagay, damiirkii walalaalnimo i hubsiiyay, Soomaali oo dhan mideeyay, runtii waxa ay aheyd taariikh lama ilaabaan ah, oo ku tuseysa inuu dadka Soomaaliyeed yahay dad walaalo ah, isku jir ah, isku dad ah, isku dan ah, qaraabo ah, wada dhashay, Soomaaliga jooga Lowya cadde iyo Baab-Mandab iyo midka jooga NFD iyo midka jooga Aashica, iyo midka jooga halka Diridhabe iyo Adis..All qof kasta oo Soomaali ahi waxaa uu ka mideysan yahay damiirka, wixii kala qeyb qeybinayaa waa cadaw Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, Cabdikarim Qalbi-dhagax waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Waxaan xoojinaa midnimada, isku duubnida, iyo sidii umaddaas Soomaaliyeed oo muddooyinkaas lagu sameynay kala qeybinta, isku dirid, in dib loo wada mideeyo, dib loo wada walaaleeyo, ballanteennu waa taas”.

Ugu dambeyntii, waxa uu soo-jeediyay in labada qowmiyadood ee Soomaalida iyo Oromada ay heshiiyaan, isla markaana ay isu garaabaan wixii kala gaaray, xoolahana isu celiyaan.

Goobjoog News