U bood dhigaalka

Qalbi-dhagax: Waxaan Gartay Dhibaatadan Cidda ii Geystay Inay Ahaayeen Ashkhaas Aan Damiir Laheyn

Sheeko:Dalka

Cabdikarim Muuse Qalbi-dhagax oo ka hadlayey todobaadkan xarigiisa ayaa ugu horeyntii u mahadceliyay baarlamaanka Soomaaliya.
Cabdikarim oo arrintaas ka hadlayo waxaa uu yiri”Waxaan jeclahay inaan Xuso Madaxda umadda Soomaaliyeed oo iyadana howlgal baaxad leh dhinaceeda ka waday, xubnaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya dowladda Fedaraalka labadeeda gole aqalka sare ee dowladda Soomaaliya iyo aqalka hoose ee Jamhuuriyadda Soomaaliya. Aqalka sare iyo kiisa hoosaba waa golayaasha shacabka Soomaaliyeed iyagana sida ay u howlgaleen iyo go’aamada ay qaateen iyo difaaca ay galeen aad ayaan ugu mahad celinyaa.
Cabdikarim waxaa uu ka sheekeeyay halgan dheer oo shacabka Soomaaliyeed soo galeen, isaga oo yiri”Shacabka Soomaaliyeed ma uusan difaacin Qadiyadda maanta taagan oo kaliya ma uusan difaacin oo kaliya Cabdikarrim Sheekh Muuse Qalbi Dhagax waxaa uu difaacay Mabaadi’dii umadda Soomaaliyeed ee Asaasiga aheyd.
Dagaalka Umadda Soomaaliyeed ONLF ma aysan bilaabin, dagaalka umadda Soomaaliyeed iyo halganka xornimo doonka umadda Soomaaliyeed wuxuu soo bilowday qarnigii 16-aad, maantana waxaan joognaa qarnigii 21-aad wuxuu socdaa in ka badan 500 oo sano .
Miyaan oran karnaa qadiyaddii Soomaaliyeed ee uu hogaaminayay Imaam Axmed Guray Soomaali ma aheyn, miyaan oran karnaa? Miyaan oran karnaa waxay doonayeen dal Soomaaliyeed ma aheyn? Sayid Maxamed Cabdalla xasan halyeygii umadda Soomaaliyeed iyo ciidankii daraawiishta ma aheyn Soomaali, miyaan oran karnaa? Miyaan dhihi karnaa ma aysan dooneynin dal Soomaaliyeed ? Miyaan dhihi karnaa SYL ma aysan aheyn dad Soomaaliyeed? Miyaan dhihi karnaa ma aysan dooneyn gobonimo Soomaaliyeed ? Miyaani dhihi karnaa Ciidankii Nasrullah ma uusan aheyn dad Soomaaliyeed mana ayna dooneyn dal Soomaaliyeed? Miyaanu dhihi karnaa 1977 dagaalkii dowladda Soomaaliya iyo Shacabkeeda ay wada galeen Itoobiyana lagaga tag roonaaday miyaanu dhihi karnaa ma aysan aheyn dowlad Soomaaliyeed iyo dad Soomaaliyeed oo doonayay gobonimo miyaan oran karnaa.
Qadiyadda maanta ONLF ay hoggaamineyso waxay ku xirantaahy oo ay la mid tahay dagaalkii Taariikhiga ahaa ee gobonimo doonka ee soo jireenka ahaa ee u madda Soomaaliyeed.
Waxaa la doonayaa waa hal dad waa hal dal waxa la xoreynayo waa hal Umad, waxay difaaceen Baarlamaanka Soomaaliyeed labadiisa aqal Mabaadi’dii Asaasiga aheyd ee umadda Soomaaliyeed ee soo bilaabatay qarnigii 16-aad ayay difaaceen, haddii aysan difaaci laheyn oo ay ka aamusi lahaayeen waxaa dhici laheyd saan aaminsanahay in dowladda Itoobiya ay dowladda Soomaaliya iyo dadkeeda ay ku dacweyso Maxkamadaha Caalamiga ah oo ku eedeyso in six aq darra ah ugu soo duuleen dalka Itoobiya burburiyeen dad hanta iyo dal, markaasna waxay ku yeelan laheyd dowladda Itoobiya waa saan anigu leeyahay Magdhow ka soo bilowda qarnigii 16-aad kuna yimaada maanta oo aanu taagannahay oo umadda Soomaaliyeed baaxad iyo awood ay iskaga rogto midna la heyn .
Baarlamaanka Soomaaliyeed waxaa uu sheegay inuu matalo isirka Soomaaliya, “Runtii baarlamaanka umadda Soomaaliyeed wuxuu mudanyahay duco abaal iyo sharaf mar walba in loo hibeeyo lana garab istaago si xaqa waxuu u gudanayaa howlgalladiisa waajibka ah wuxuu gudanayaa xaqa iyo waajibaadka umadda Soomaaliyeed uu ku leeyahay waa baarlamaanka guud ahaan isirka Soomaaliga matalo weeye, sidaas darteed baarlamaanka Soomaaliyeed mar walba waxaan garab taagannahay shaqooyinkiisa hiil iyo hoona waan la garab istaageynaa, sidoo kale shacbiga Soomaaliyeed waxaan iyagana la garab taagannahay dhammaan loo baahanyahay inay noqdaan walaalo isir walaalo ah weeye dal, dad iyo diini ka dhaxeyso weeye dhalashaa ka dhaxeysa.
Dhinaca kale, Cabdikarim Qalbi-dhagax waxaa uu ka sheekeeyay sida lagu qabtay”Ma soo koobi karo mahadcelintiinna halka ay iga gaarsiisantaahy waa laga yaabaa hadalladeyda qaarkood inay idin ka nixiso oo ay noqdaan hadallo qaarkood naxdin iyo tiiraanyo leh marabo in dadka ay aad u naxnaxaan, waxaa rabaa in la adkeysto taas waxaan ula jeedaa aniga oo ah cabdikariim Sheekh Muuse qalbi dhagax waxaan ahay muwaadin Soomaaliyeed oo u soo dagaallamay dalka Soomaaliyeed, anigoo dagaal ku jira ayaan ku qaan gaaray waligey mashaqeysan, shaqo guud maahanee shaqo gaar ah ma qabasanin, waxaan u soo dagaallamay nafteydii iyo dhiiggeyga inaan u huro dadka Soomaaliyeed, waxaan u shaqeynayay u taagnaa ilaa iyo hadda in aan xaqiijiyo in umadda Soomaaliyeed qof ka mida inuusan ciil qabin inuusan hoos harsin gunnimo iyo inuu daciifnimo ugu hoos noolaado dad Shisheeye ah qorshaheyga kaasbuu ahaa.
Mabaadi’da ceynkaas ahaa markii aan arkay anigoo dadkeygii ku waayay oo danteydii dhammeed uga baxay oona dunidan aanu ku laheyn haltaako oo Milkiyan ah anigu kuma lihi boos kuma lihi oo guri kuma lihi oo xoolo malihi, maxaa yeelay intaasba intaan ka tagay ayaan danta umadda ubaxay, anigoo sidaas ugu soo dhintay markii aan arkay dowladdii Soomaaliyeed habkii ay iila dhaqantay iyo qaabkay u shaqeysay, Gaalkacyaa la iga qabtay saddex habeen baa la igu hayay, si fool xun oo ihaanaa ayaa la iila dhaqmay, waa la iga soo qaaday Muqdisho ayaa la ii keenay, waxaa la iila dhaqmay si fool xun oo ihaanaa, markii aan arkay iyadoo intii la garba-daduubay oo indhaha la iga xiray anoo cago cad oo qaawan la igu wareejiyay ciidanka Itoobiya, waxay aheyd arrin aad iyo aad iiga careysiisay, aadna iiga naxisay, markii aan arkay in mar ka leeto Airport ku yaalla magaalooyinka Soomaaliyeed oo aan qiyaasayo inuu ahaa darafka xaduuda xiga ma aqaan Baydhabo inay aheyd waa suuro gal markii aan arkay in diyaaraddii la iga soo dajiyay aan khiyaasay in sawirro la iga qaadanayo isla markiina diyaaraddii la igu celiyay, markii la ii geeyay Goday oo ay iskugu soo baxeen Soomaalidii qeybteedii xumeyd oo Goday joogtay, dhaanto markay igu dulqabsadeen aflagaado markay ii miiseen sidii ay ii caayayeen markii la iga qaaday anigoo ihaaneysan oo katiinadeysan oo lugaha ka xiran oo indhaha ka xiran, waxaan aaminay inaana dal laheyn, waxaa iga dhaadhacday oo qalbiga iga galay inaana dad la heyn waxaan arkay oo is iri arxan malihid,
Waxayse iga ba’aday arrintaasi murugo aad u kulul ayay aheyd markii aan arkay oo gaaday inaan leeyahay walaalo Soomaaliyeed oo ka badan 30 Milyan oo dareenkaas foosha xun uu hal mar wada dhaqaajiyay .
Runtii waxaa ii muuqata inaan ahay qofka dadka ugu arxanka dhow waxaan gartay dhibaatadan cidda ii geystay inay ahaayeen Ashkhaas aan damiir la heyn ashkhaas sheydaan u hoggansantay iyadana waxaa u furan inay toobad keento.

Goobjoog News