U bood dhigaalka

Qalbi-dhagax: Xildhibaan Ammaanay Sida Madaxweynaha U Taageeray Go’aanka Baarlamaanka

Sheeko:Dalka

Cabdikariim Muuse Qalbi-dhagax waxa uu ahaa sargaal ka tirsan ururka ONLF ee ka dagaalama waddanka Itoobiya, waxa uu ku taami jiray, sida la sheegay, in ciidamada Itoobiya uu ka xoreeyo dhulka Soomaaliya.

Balse ma uusan noqon hamigiisii mid suuro-galay, waxa uu safar ku tegay magaalada Gaalkacyo 23 Agoosto ee sannadkii la soo dhaafay, halkaasi oo ay ka qabteen ciidamada Nabad-sugidda Qaranka, ka dibna waxa ay u soo gudbiyeen magaalada Muqdisho.

Maalmo yar ka dib, 27 Agoosto ayey mugdi gashay rajadii Cabdikariim Muuse Qalb-dhax iyo qoysaskiisa, waxaana ka gilgishay dhiibistiisa shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Soomaaliya oo mar danbe ka hadashay arrintan ayaa ku tilmaantay in dhiibista Qalbi-dhagax ay ahayd sifo sharci ah, uuna ka tirsanaa urur argagaxiso ah, arrintaasi waxa ay mar kale gilgishey dareenka shacabka Soomaaliyeed.

Baarlamaanka Soomaaliya oo ka hadlay dhiibista Qalbi-dhagax ayaa waxa uu sheegay in ay qalad aheyd dhiibistiisa, dhinacyo kala duwan ayaana lagu eedeeyay dhiibista Qalbi-dhagax waxaana arrintan aan isku mowqif ka ahayn madaxda sare ee dowladda.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in uu taageersan yahay go’aanka baarlamaanka Soomaaliya ay ka qaateen arrinta Qalbi-dhagax.

Kala aragti duwanaashaha xafiisyada dowladda ayaa mar kale mugdi galin kara arinkani, Carafaad Cali Axmed ayaa Goobjoog News uga warramay waxa uu arrintan sharcigu ka qabo “Sharcigu waa cad yahay, qof muwaadin ah ma bannaana in lagu wareejiyo gacan shisheeye, waa qofku marka uu yahay muwaadin”.

Marka dhinaca kale laga eego shacabka Soomaaliyeed waxaa sii kiciyey waddanka Itoobiya oo aan xiriir wanaagsan kala dhexayn Soomaaliya dagaallo bandanna ay soo dhex mareen.

Itoobiya waxa lagu sheegaa in ay tahay wadamo badan oo aan jecleysan horumarka Soomaaliya sida uu sharaxayo Sakariye Xaaji Maxamuud oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

“Dhibaatooyin badan oo shan boqol oo sano soo socday oo mar walba lagu sameynayay dadka Soomaaliyeed ayaa jira, waa nasiib darro in aynan aqrin taariikhda, Itoobiya qarannimada Soomaaliya marna raali kama aheyn”

Xildhibaan Sakariye ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku mahadsan yahay in uu taageero go’aankii baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku sheegeen in dhiibistiisu aheyd mid aan sharci aheyn.

Goobjoog News