U bood dhigaalka

Khaliif Ereg: "Hubka aan xalay qabanay waxaa loo waday Al-shabaab"

Sheeko:War
qaliif
Wasiirka ammaanka Qaranka, khaliif Axmed Ereg.

Wasiirka amniga qaranka xukuumadda federaalka Soomaaliya Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in hay’adaha sirdoonku soo gudbiyeen xogta hub xalay laga helay guri uu deganaa sarkaal ka tirsan mileteriga dowladda federaalka Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdi Ileys.

Wasiirka ayaa sheegay in hubkan loo waday xarakada Al-shabaab, howlgalka ayuu ku sheegay Khaliif inuu sababin wax dhibaato ah.

“Hubkani waa hubkii lagu gumaadi jiray shacabka Soomaaliyeed oo kooxaha nabad diidka ah ay adeegsan jireen islmarkaana dad wax ma garad ah inta laga iibiyo u gudbin jiray argagixisada, hubkani wuxuu ahaa mid hey’adaha sirdoonku ay ku daba jireen islamarkaana, iyadoo aan dhibaato ka dhicin caawa lagu guuleystay in gacanta lagu soo dhigo.” Ayuu yiri wasiirka amniga dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hub aad u badan oo ciidamada amnigu ku soo qabteen howlgalka ay xalay ka sameeyeen xaafadda Buulo Xuubeey ee degmada Wadajir.

Munaasabaddii lagu soo bandhigayay hubka oo isla xalay ka dhacday xarunta hey’adda Nabad sugida Qaranka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka amniga Qaranka iyo Ra’iisal wasaaraha dowladda.