U bood dhigaalka

QARAMADA MIDOOBAY: 1.7 Million Oo Soomaali Ah Ayaa Wajihi Doona Cunno-Xumo Aad U Daran.

Sheeko:Dalka

QARAMADA MIDOOBAY (AP)- Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaaseysa in 1.7 million oo dad Soomaaliyeed ah inay wajahayaan colaado iyo cunno xumo illaa bisha June kaddib markii laba xilli oo isku xigta aan roob la helin taasoo sababtay in xoolaha ay le’daan dalaggiina bixi waayo.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Stephane Dujarric ayaa sheegay in tani ay kor u qaadeyso 10% cunno xumida jirta.

Wuxuu afhayeenku intaas ku daray in heerka nafaqo-darro uu aad sare ugu kacay sababo la xiriira abaaraha ka jira dalka iyadoo sida afhayeenku sheegay 954,000 carruur ah laga cabsi qabo inay wajahaan xaalad nafaqa-darro waxaana tiradaas ka mid ah 174,600 oo ah carruur oo si aad u daran nafaqa-darro u hayso.

Dujarric wuxuu sheegay in koox ka socota Qaramada Midoobay ay diyaarineyso qorshe wax looga qabto cunno xumida inta u dhaxeysa bilaha May iyo October laakiin wuxuu sii raaciyey in loo baahan yahay dadaallo mideysan oo arrintaan wax looga qabanayo.