U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay iyo AMISOM oo Ka Qeyb Qaadanaya Baaritaanka Diyaaradda Ku Burburtay Bardaale

Sheeko:Dalka

Qoraal ka soo baxay ku xigeenka gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobay Adam Abdelmoula ayaa lagu sheegay inay ka qeyb qaadan doonaan baaritaanka ku aaddan sababta dhabta ah ee ka dambeysay inay burburto diyaarad ay lahayd shirkadda African Express oo ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay.

“Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay qaramada midoobay.

Dhanka kale madax howlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira ayaa tibaaxay inay si dhow dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya uga la shaqeyn doonaan baaritaanka ku aaddan diyaaradda ku burburtay bardaale.

Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa saddexdii bishan ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo.

Halkaan ka akhriso bayaanka ka soo baxay qaramada midoobay

bayaanka uu soo saaray kuxigaynka qaaska ah xoghayaha guud ee qaramada midooway iyo isu-duwaridaha arimaha bini’aadamnimo ee somaaliya, mr. Adam Abdelmoula, eek u saabsanayd shilkii diyaaradii waday xamuul loogu arima bini’aadamnimo.

Xalay waxaa la ii sheegay in diyaarad nooca ganacsiga balse wadday xamuul loogu talagalay samafal bini’aadamnimo oo ay isticmaalaysay haay’ad caalami ah ay shil gashay waxaana ku dhintay lix qof oo diyaarad saarnaa mar ay ku sii degaysay Bardaale oo qiyaas ahaan 55 Kiloomitar u jirta magaalada Baidoa ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Somaaliya.

Aad ayaan uga xumahay ogana dhibtooday dhacdadan naasiib darada ah. Inta badan, dumarka iyo rag naftooda halista galiya iyagoo mudnaanta siinayo wanaajinta dadka iyo taageerida howlgalada bini’aadamnimo ayaa doorkooda xaga ka shaqeynta arimaha samafalka ee Somaaliya la aqoonsanin. Qoysaka iyo ehelada shilkan saameyay ayaan u tacsiyeeneynaa xiligan aadka u adeg. Waxay ciyaarayn doorkoodii ugu dambeeyay iyagoo qabtay shaqo aad qiimo u leh. Illaahay ha u raxmado dhammaantod.

Inagoo ah qoyska Qaramada Midooway, waxaan suubin doonaa door walba oo aan ka qaadan karno tacsida heer Federaal iyo heer maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee masiibadan. Waxaan marwalba la socon doonaa waxii soo korda.

Goobjoog News