U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Iyo Dowladda Turkiga Oo Cambaareeyey Weerarkii Muqdisho

Sheeko:Dalka

War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutters ayaa lagu dhaleeceeyey weerarkii Al-shabaab ka fuliyeen wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Wuxuu uga tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku dhintay weerarkaasi, isagoo kuwa dhaawacmayna u rajeeyey in ay bogsoodaan,wuxuuna muujiyay sida QM ay uga xuntahay falalkasi foosha xun.

Afhayeen u hadlay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo lagu magacaabo Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay garab taagan yihiin dowladad Soomaaliya iyo shacabkeeda,islamarkaana aanay nabadda Soomaaliya iyo horumarkeeda waxba u dhimi doonin dhacdooyinkan oo kale.

Dhanka kale Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareeysay weerarkaasi oo waxyeello kasoo gaartay dad shacab ah, waxaana qoraal wasaaraddaa arrimaha dibadda ee dowladda Turkigu ay soo saartay loogu tacsiyadeeyey dowladda Soomaaliya iyo ehelada dadkii ku waxyeeloobay falkaasi.

Dowladda Turkiga oo kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya ayaa muujisay sida ay markasta u garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliya,sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkaasi.

Sidoo kale dowladda Kenya ayaa uga tacsiyadeysay dowladda Soomaaliya dadkii waxyeeladu ay ka soo gaartay weerarkii ka dhacay Muqdisho,waxaana ay u rajeeyeen dadkii dhaawacyada soo gaaray in ay helana caafimaad deg deg ah.