U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Iyo Mareykanka Oo Dalbanaya In Baaritaan Lagu Sameeyo Duqeyn Isbaheysiga Sacuudiga Ay Ka Geysteen Sa’dah

Sheeko:Caalamka

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa dalbaday in la furo baaritaan Madax-banaan kaasi oo lagu sameynayo duqeyn Cirka ah oo ay ka qeysteen gudaha Yeman Ciidamada Isbaheysiga oo ay hoggaamineyso boqortooyada Sacuudi Carabiya kuna dhinteen tobaneeyo qof.

António Guterres ayaa ku caddeeyay War-Murtiyeed Khamiistii in uu aad u cambaareynayo duqeyntaan oo lala beegsaday gaari Bas ah oo Marayay Magaalada Sa’dah ee Waqooyiga Yeman, dhufeysna u ah kooxaha Xowthiyiinta ee taageerada ka hela dhanka Iran, waxaana ku dhintay 29 caruur ah sida uu sheegay Isbitaalka Magaalada.

Afhayeen u hadlay Qaramada Midoobay laguna Magacaabo Farxaan ayaa sheegay in laga maarmaan ay tahay in ay ku dadaalaan dhinacyada ilaalinta dadka Rayidka ah goobaha bulshadana aysan la beegsan howlaha Millatari.

Isbaheysiga Carbeed ayaa horay u qiray in ay fuliyeen howlgal Millatari, balse Afhayeen u hadlay oo lagu Magacaabo Turki Al-maaliki ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka ee AFP in warka ah beegsiga caruur saarneyd Bas in ay tahay sheegasho been ah, isaga oo intaas ku daray in Baska uu waday dagaalyahanno ka tirsan Xowthiyiinta.

War-saxaafadeed rasmi ah oo uu soo saaray Isbaheysiga ayaa waxaa ay ku sheegeen in howlgalka Millatari lala beegsaday cunsur looga shakisanaa in gantaallo ay ku weerareen Magaalada Jazan ee Sacuudiga.

Goobjoog News