U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo iska kaashanaya wax ka qabashada xadgudubyada ka dhanka ah haweenka

Sheeko:Dalka

Iyadoo la xusayo maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgubyada ka dhaca goobaha colaadaha ayaa barnaamijka ayaa xiriiryaha arrimaha jinsiga ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dadweynaha UNFPA Maxamed Mursal ,wuxuu sheegay inay wadaan dadaalo ay wax kaga qabanayaan xadgudubyada jinsiga ee ka dhanka ah haweenka Soomaaliyeed.

Maxamed Mursal ayaa xusay in Hay’adda UNFPA ay dhawaan ka hirgelin doonto shaybaar cusub oo ka waacin kara ciidamada booliska inay baaraan xadgudyada ka dhanka ah haweenka Somaaliyeed.

“Waxaan ka hirgelin doonaa Soomaaliya shaybaar (forensic lab) ku cusub Soomaaliya iyo guud ahaan Qaaradda Afrika, kaasi oo  booliska ka caawin kara in ay cadeeyaan in eedaysanuhu uu yahay mid gaystay eedaha loo haysto” ayuu yiri Maxamed Mursal isagoo u waramayay barnaamijka Tubta nabadda ee Todobaadlaha ah.

Maxamed Mursal ayaa sidoo kale tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay kala shaqaynayaan sidii loo samayn lahaa shuruuc lagu xakamaynayo xadgudubyada loo gaysto haweenka Soomaaliyeed, Isagoo sheegay in la diyaariyay hindise sharciyeed qabyo ah, kaasi oo la horgayn doono golaha Wasiirada, iyadoo ugu dambayn loo gudbin doono baarlamaanka.

19ka Juun ayaa sanad walba la xusaa maalinta caalamiga ah ee ciribtirka xadgudyada jinsiga ee ka dhanka ah haweenka ee ka dhaca goobaha colaadaha.