U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Cambaaraysay Weerarkii Ceel Baraf Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay  ayaa qoraal kooban kasoo saaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhig ciidamada Burundi ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Shabeellada dhexe, golaha loogu cambaareeyay falkaa, waxaana uu sheegay inuu garab taagan yahay howlgalka ATMIS.

“QM waxay si adag u garab taagan tahay ATMIS iyo ciidamada amniga Soomaaliya oo dadaal ugu jira sidii ay u hagaajin lahaayeen amniga Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay UNSOM Soomaaliya.

Marka laga soo tago golaha ammaanka sidoo kale waxaa weerarkaan cambaareeyay ururka Midowga Afrika, dowladaha Turkiga iyo Qatar oo saaxiib dhow la ah dowladda Soomaaliya, Al-shabaab ayaa sheegtay in ay weerarkaan ay ku dileen askar badan oo ka tirsan dowladda Burundi.

Goobjoog News