U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Dhimeysa Nabad-Ilaaliyaasha Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa go’aan ku gaaray in la dhimo 1,000 askari oo ka tirsan kuwa ka socda gobolka kuwaasoo ku sugan Soomaaliya, iyadoo ay jiraan weerarrada sii kordhaya ee ay Alshabaab ka waddo magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa cod mideysan oo ay qaadeen ku sheegay inay dhimayaan hawlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) laakiin goluhu waxay sheegeen in dib go’aanka looga fiirsan doono haddii rabshadaha ka jira Soomaaliya ay ka sii-daraan.

Qaraarkan oo ay miiska soo-saartay dowladda UK ayaa lagu dhimayaa askar gaareysa 1,000 laakiin waxaa qaraarka lagu sheegay in ciidanka badankiis ay hawlgalladooda sii wadan doonaan maaddaama waqtigooda sannad lagu daray.

Marka la eego qorshaha xilliga kala-guurka ee lagu heshiiyey sannadkii 2017, AMISOM waxay si tartiib ah ugu wareejineysaa amniga ciidamada Soomaaliya laakiin Midowga Africa ayaa walaac ka muujiyey sida loogu baahan yahay mas’uuliyad dheeri ah iyadoo dalku doorashooyin  galayo sannadka dambe.

Qaramada Midoobay ayaa taageerta sugidda xasilloonida Soomaaliya halkaas oo Xarrakada Alshabaab ee gacan-saarka la leh Alqaeda ay raadineysay muddo 10 sano ah sidii ay u afgambin lahayd dowladda Soomaaliya.

Xarrakada Alshabaab ayaa waxaa ka saaray magaalada Muqdisho sannadkii 2011kii ciidamada AMISOM  iyo kuwa dowladda Soomaaliya waxayna ka baxeen badankood saldhigyadii ay ku lahaayeen Muqdisho laakiin waxay wali maamulaan qeybo badan oo ka mid ah baadiyaha dalka waxayna halis ku yihiin nabadda Soomaaliya.

Hadal ay si wadajir ah u soo-saareen Midowga Yurub iyo Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay tiro weerarro ah oo ay Alshabaab ka fulisay caasimadda waxaana ka mid ah weerarkii loo adeegsaday hoobiyaha ee lagu weeraray fariisin Qaramada Midoobay ku leedahay Muqdisho bishii Jannaayo.

Bishii March oo kaliya Alshabaab waxay ka fuliyeen Muqdisho laba weerar oo waaweyn iyagoo u adeegsaday weerarradaas 28 qaraxyada gawaarida lagu xiro ah sida warka Qaramada Midoobay lagu sheegay.

Usbuucii hore, wasiir hore ee arrimaha dibadda ayaa ka mid ahaa shan qof oo lagu dilay qarax gaari oo Muqdisho ka dhacay kaasoo ay Alshabaab sheegatay.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya la geeyey sannadkii 2007 waxayna isugu jiraan ciidamo ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda kuwaasoo kala jooga Koofurta iyo Bartmaha Soomaaliya.

France24.

Mawduucyada:Banaadir