U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Dhiseysa Xabsiga Dhexe Ee B/weyn

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socday Qarmada Midoobay oo qaabilsan horumarinta xabsiyada iyo garsoorka.

Kulanka oo saacado qaatay ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta la hadlay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdullahi Axmed Maalin waxaa uuna sheegay in wafdiga ay isku afgarteen dhismaha Xabsiga dhexe, daryeelka Maxaabiista iyo tobabarro la siin doono Saraakiisha iyo ciidamada.

Guddoomiyaha oo ka hadlayay arrintaas waxaa uu yiri “Waxaan ka wadahadalnay arrimaha quseeya xabsiyada waxaan isku afgaranay inay dhaga saacidaan dhanka xabsiga xagga ciidanka in Saraakiisha tobabar naloo siiyo kaasi oo socon doono muddo, in Maxaabiista noloshooda iyo hayntooda nagala qeyb qaataan marka ugu horreysana qeybta dhaqan celinta in ay iyaga gacan ka geystaan waan soo dhoweyneynaa wxqabadkaas ay noo ballnqaadeen”.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli maxaabiista ku jirta Xabsiga dhexe ee gobolka Hiiraan ay haystaan daroofo kala duwan waxaana jira burbur haatan ka muuqda Xabsiga.

Goobjoog News