U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Macluul ay Dunida Wajaheyso

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa bilawday dib u eegidda codsi loogu talagalay si lacago loogu deeqo waddamada ugu saboolsan adduunka, taas oo ay kula dagaallami doonaan cudurka dilaaga ah ee Korona.

Madaxa gargaarka bini’aadanimada ee Qaramada Midoobay, Mark Lowcock ayaa ka digay inay jiraan dalal badan ooay macluul ku sii kordheysa, kuwaas halka ay cunto yaraan baahsani ku habsatay, iyada oo uu dhaqaalahoodii uu saamoobay safmarkan dunida saaqay.

Qaramada midoobay waxay shegeysaa in 265 milyan oo qof ay dhamaadka sannadkan wajihi karaan macaluul ba’an sababo la xiriira fayraska corona,waxayna codsaneysaa hay’addu lacag dhan $10.3 balyan oo doolar.

Lacagaha ay qaramada midoobay dalbaneyso ayaa waxaa loo adeegsan doonaa waddamada uu dhaqaalahooda cagaha badan ku taagnayn,iyadoo,hay’addu ka digtay in haddii aaanan wax ficil ah la qaadin ay dunida mustaqbalka wajihi doonto dhibaatooyin la xiriira horumarka.

Hay’adda ayaa markii hore bishii maarso codsatay lacag dhan 2 balyan oo ay kula dagaalameyso fayraska corona. oo saameyn weyn ku yeeshay waddamada ugu fakhrisan dunida.

Codsigaan labaad ee hay’addu ayaa ku soo beegmayaa iyadoo wadamadii qaniga ah ee lacagahaasi bixini jiray ay haatan iyagiba la daalaa dhacayaan dib u soo celinta djhaqaalohoodii ee uu saameeyay fayraska laakinse waxay hay’addu ka codsatay iney caawiyaan waddamada faqriga uu la dagay.

Goobjoog News