U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Musuqmaasuq Ka Dhaca Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Ergeyga Qaramada Midooay u qaabilsan Soomaaliya, Michael Keating ayaa ka digay musuqmaasuq la filan karo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee bisha soo aaddan.

Keating oo warbixin ka jeediyay golaha ammaanka ayaa sheegay in shaqada ugu muhiimsan ee hadda hortaallaa tahay hubinta in doorashada madaxweynuhu ku qabsoonto xilliga loo qorsheeyay.

Ergayga, ayaa Qaramada Midoobay u sheegay Jimcihii in xilligani uu u yahay xilli wanaagsan, maadaama laga soo gudbay marxalad wakhti dheer qaadatay oo lagu soo doortay baarlamaan, 12 cisho ka dibna la filayo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

“Nasiibdarro, musuqmaasuq ayaa ragaadiyay bulshada Soomaaliyeed, taas oo ay dhici karto iney saameyn ku yeelato doorashada madaxweynaha, waxaana jira walwal laga qabo in cododka baarlamaanka la iibsado, waxaase muhiim ah in doorashadu ku dhacdo si hufnaan iyo xalaal ah”, ayuu yiri Keating.

Guddiga qabanqaada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in 8 February ay tahay wakhtiga doorashada madaxweynaha Soomaaliya, iyadoo la filayo in  15 musharrax ay u tartamaan xilka ugu sarreeya ee Villa Somalia.

Goobjoog News