U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Ku Celisay In Caruur Soomaaliyeed Ay Halis Ugu Jiraan Inay u Geeriyoodaan Gaajo

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday in 60 kun oo carruur ah ay waajahayaan geeri sabab la xiriirta raashin yari iyo dawo la’aan, waana sida uu sheegay isuduwaha Arrimaha Bini’aadamnimada ee Qaramada Midoobay ee Geeska Afrika Peter de Klerk.

Isuduwuhu waxa uu sheegay in Qaramada Midoobay u baahan tahay illaa 900 milyan oo dollar si loo fuliyo howlaha gurmadka gargaar, illaa iyo haddana waxaa soo gaaray 2% lacagta ay codsadeen.

Waxa uu hadalkiisa ku daray in xasillooni darrada siyaasadeed iyo biyo la’aanta soo noqnoqtay ay ka dhigan tahay in Shan Milyan oo qof ama kala bar dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin in la taageero.

Goobjoog News