U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Dagaalka Yeman Ay Bil Waliba Ay Ku Dhintaan Boqol Qof Oo Rayid Ah

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaalaka Yeman ay bil waliba ay ku dhintaan 100 qof ugu yaraan,kuwaas oo ubadan dadka rayidka ah oo waxyeelada ugu badan ay ka soo gaaraan duqeymaha isbahaysiga carabata uu hogaaminaayo Sacuudiga.

Qaramada Midoobaya ayaa sidoo kale sheegtay tan iyo markii rabshadaha ay ka bilowdeen dalkaasi ay ku dhinteen dad gaaraya 4773 oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen 8272 oo kale.

dadkaan ayaa dhibaatada ugu badan waxay ka soo gaaraan dagaalka u dhaxeeya kooxaha Kowthiyiinta oo taageero ka hela dhanka Iraan iyo dowladda Yeman oo ay taageerayaan isbahaysiga carbeed oo uu hogaaminaayo Sacuudiga.

Warkaan ayaa waxaa soo saaray hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan dhanka arrimaha bani’aadanimada.

Goobjoog News