U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Soo Dhoweysay Doorashadii Hirshabelle

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa soo dhoweysay doorashadii madaxweynaha Hirshabelle ee maalintii shalay ahayd ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

War-saxaafaded laga soo saaray xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, loogana hadlay doorashadii shalay dhacday ayaa ugu horreyn loogu hambalyeeyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.

Waxa qoraalkan lagu shegay in dhinacyada ku nool Hirshabelle loogu baaqayo iney aqbalaan natiijada doorashada, soona dhoweeyaan madaxweynaha cusub.

Sidoo kale Qaramada Midoobay ayaa mudane Waare u sheegtay in laga doonayo in uu keeno isbedallo ballaaran oo Hirshabelle ah, waxna ka qabto xaaladaha cakiran ee deegaannada Hirshabelle.

Goobjoog News