U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Warbixin Ka Soo Saartay Dil Loo Gaystay Sarkaal ka Tirsanaa

Sheeko:Amniga

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa warbixin ka soo saaray dilkii  Maxamed Cabdi Khayre oo ka mid ahaa shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Gobolka Mudug.

War saxaafadeed ay soo saartay Qaramada Midoobay ayey ku cambaareysay dilka Maxamed oo ka mid ahaa shaqaalaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ee fadhigoodu yahay Gaalkacyo.

Siihayaha ahna ku xigeenka  Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, ayaa Maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta ku soo dhigaan dadkii dilkaas geystay.

Waxaa uu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay Maxamed Cabdi Kheyre oo xalay lagu dilay Koofurta Magaalada Gaalkacyo xilli uu ka soo baxay Masaajid.

Raisedon Zenenga, ayaa sheegay in dhamaan shaqaalaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ay ka xun yihiin geerida Maxamed kana tacsiyadeynayaan.

Dabley hubeysnayd ayaa xalay dilay Maxamed Cabdi Kheyre ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Goobjoog News