U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: AMISOM  Waxaa Ay Soomaaliya Ku Dishay Sanadkii Tagay 42 Caruur Ah

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saartay qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ay dileen 42 caruur ah sanadkii tagay.

Caruurta ay AMISOM bar-tilmaameedsadeen ayaa la sheegayaa in lagu dilay dagaallada ka dhanka xarakada Al-shabaab iyo xabado kale oo ay qaab kale u rideen.

Ciidamada Kenya ee jooga gudaha Soomaaliya waxaa ay dileen 11 caruur ah halka Mareykanka la sheegay iyaga in ay dileen ugu yaraan hal cunug.

Weerarkii ugu dambeeyay ee Mareykanka ay qeyb ka ahaayeen waxaa uu ka dhacay Bariire halkaas oo lagu dilay qoys ay ku jireen caruur iyo haween.

Dalka Mareykanka oo adeegsada diyaaradaha aan duuliyaha wadin ayaa duqeymo joogta ah ka geysta Soomaaliya, 2007-dii wixii ka dambeeyay waxaa duqeymahaasi ku dhintay 510 qof oo Soomaali ah.

AMISOM shaqadeeda waa nabad ilaalin, laakin dilka caruurta iyo guud ahaan dadka rayidka ayaa waxaa ay keeneysaa in su’aalo badan laga keeno ujeedkooda.

Goobjoog News