U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Iran Iyo Imaaraadka Oo Lagu Eedeeyey Maalgelinta Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Warbixin aan weli la shaacin, oo ay soo saareen kooxda indho-indheynta cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee loo yaqaano “Monitoring Group on Somalia and Eritrea” ayaa lagu sheegay in Imaaraadka iyo Iran ay ku tunteen cunaqabateyntaasi.

Qoraalka oo la hor dhigay khubaro UN-ka ah waxaa ku jiray in Imaaraadka Carabta ay Iran u isticmaalaan Transit-ka dhuxusha ka timaada Soomaaliya, kadibna ay ka faa’ideystaan.

Warbixintan cusub,  ay soo daabacday Reuters waxaa ku jiray in Iran ay dhuxul ka qaadato Al-shabaab iyaga oo ku dhejiya shahaadooyin been ah oo la xiriira dalka ay ka timid si looga gudbiyo dekadaha Imaaraadka. Marka dhuxusha ay gaarto Iran, dalkaasi uu dib u geliyaa baakado cusub, iyaga oo ku qoraayo in dhuxusha laga soo saaray Iran, una iib geeya Imaaraadka Carabta.

Qoraalka waxaa kale uu sheegay in Imaaraadka ay sii wadaan dhismaha sharci-darrada ah ee Saldhigga Militari iyo Madhaarka Berbera.

Isla warbixinta waxaa lagu sheegay in Imaaraadka ay la wareegeen hub iyo saanad kala duwan oo ka timid dalka Yemen

Warbixinta waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay dhuxusha sanadkii ka helaan $150 Milyan.

Goobjoog News