U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Isbaheysiga Sacuudiga Hoggaaminayo Oo Lagu Darayo Liiska Madow

Sheeko:Dalka

Dalka Sacuudiga iyo isbaheysiga uu hoggaamiyo ee ka dagaalama Yemen ayaa lagu arkey in ay ku jiraan liis madow oo hey’adda qaramada midoobey ka diyaarisay hey’adaha iyo dalalka gabood-falka ku sameeyay caruurta.

Qoraalka waxaa ku jira, in  683 caruur ah ay xulafada Sacuudiga dileen 2016-kii, waxaa kale oo 38 weerar ku qaadeen goobo caafimaad iyo qaar wax lagu barto.

Hey’adda Qaramada Midoobey waxaa ay sheegeysaa in dagaalka ka dhacaya Yemen ku dhinteen in ka badan 8530, oo 60% ay caruur yihiin halka 48 kun ku dhaawacmeen duqeynta.

Dagaalka waxaa kale oo lagu waramayaa in ay dhibaato ka soo gaartay in ka badan 20 Milyan, waxaa kale oo jira dad u dhintay Daacuunka.

Liiskan waxaa kale oo markii 2aad lagu daray ciidamada xukuumadda Yemen, Xuutiyiinta iyo Al-Qaa’idada Yemen.

Goobjoog News