U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Kacdoonkii Carabta Waxaa Ka Dhacay Khasaare Gaaraya Ilaa 600 Bilyan Oo Dollar

Sheeko:Dalka

Hey’adda ESCWA Ee Qaramada Midoobey xafiiskeeda galbeedka Asia ayaa sheegtay in kacdoonadii Carabta ay horseedeen khasaare dhaqaale oo gaaraya ilaa 600 oo Bilyan oo Dollar.

ESCWA waxaa ay intaa ku dartay in tiradaas ay u dhiganto 6% waxsoo saarka guud inta u dhaxeysa 2011-2015-kii.

Kacdoonka Carabta waxaa uu sidoo kale horseeday ila 4 Madaxweyne ay dhacaan, isla markaana ay dagaallo ka dhacaan Yemen, Suuriya iyo Libya.

Waa markii ugu horeysay oo warbixin caalami ah laga soo saaray kacdoonkii ka dhacay wadamada carabta.