U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Galmudug Iyo Puntland Uga Digtay Jabinta Heshiiska Galkacyo

Sheeko:Dalka

Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Michael Keating ayaa uga digay maamullada Galmudug iyo Puntland in ay jabiyaan heshiiska xabad joojinta ah ee sabtidi lagu saxiixay magaalada Galkacyo.

Michael Keating  waxaa uu intaa raaciyay in lala xisaabtami doono ciddii ka baxda heshiiska,  isla markaana ay mas’uuliyadda qaadi doonto wixii ka dhasha.

Mr. Keating  waxaa uu soo dhaweeyay sida ay Guuleed iyo Gaas uga go’an tahay heshiiska laakin waxaa uu ku booriyay in muhiimadda tahay fulinta heshiiska.

Ugu dambeyntii waxaa uu Michael Keating soo qaadtay in kooxaha uu ugu yeeray xagjirka ay ka faa’ideysan karaan heshiiskan filin la’aantiisa.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada