U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo hambalyo u dirtay Goobjoog FM

Sheeko:War
Kay2
Nicholas Kay

Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay  ayaa hambalyo u diray Goobjoog FM oo maanta u dabaal dagaysa sanad guuradeedii labaad.

Nicholas Kay  ayaa bogaadiyay kaalinta aan daalka lahayn ee Goobjoog FM ka geysatay horumarinta adeega bulshada soomaaliyeed mudadii labada sano ee ay jirtay. Waxa uu sidoo kale hambalyo u diray maamulka, shaqaalaha iyo dhageystayaasha ku taxan Goobjoog FM.

“Waxa aan aad ula dhacay qaabka ay u wajahaan su’aalaha adage e ay weydiiyaan siyaasiyiinta iyo hogaamiyaasha, taas oo ka dhigan in ay soo gudbiyaan wareysiyo ay la yeeshaan masuuliyiin ku sugan gudaha iyo dibada dalka.” Ayuu yiri Nicholas Kay

Ugu dambeyntii Ergeyga gaarka ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya ayaa ku booriyay Goobjoog FM in ay noqoto mid lagu daydo, isla markaana ay ku dadaasho sidii kor loogu qaadi lahaa dadaalada nabada.

Goobjoog FM ku guuleysatay in si toos ah looga dhegeyso aalada Live stream-ka ee barta internetka ay ku leedahay oo ah www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com ama www.wordpress-884379-3065991.cloudwaysapps.com.

Wararka Goobjoog news