U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Ka Digtey in Alqaacidada Yemen ay Iman Karto Soomaaliya

Sheeko:Dalka

KayErgeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nicholas Kay oo ka hadlayay shir golaha amniga iyo nabadgalyada Afrika iyo Golaha Amniga ee Qaramada Midoobey ayaa sheegey in qalalaasaha ka taagan dalka Yemen uu horseedi karo in dagaalyahano ka tirsan Alqaacidda ay iman karaan Soomaaliya.

Waxa kale oo uu sheegey in ururka Alshabaab ay isku dayayaan in ay hor istaagaan doorashooyin ka dhaca Soomaaliya sanadka 2016-ka.

“Waxaan u baahanahay in aan aad ola socono dhaqdhaqaaqa kooxaha xagta jira, waxayna awoodaan in ay wax kasta sameeyaan” ayuu yiri Kay.

Goobjoog News