U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Ka Digtey Qatarta Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Warbixin kasoo baxday golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in weli ay jirto qatarta dhanka ammaanka ay ku hayso Xarakada Al-shabaab gudaha Soomaaliya.

Waxaa lagu caddeeyey warbixintan in Al-shabaab ay sanadkaan iyo midkii ka horreeyeyba ay dalka ka geysteen weeraro waxyeello badan dhaliyey, sidaa darteedna aan la yareesan karin weli awoodda kooxdaasi.

“Dadaallada lagula dagaallamayo Al-shabaab markii la eego waxaa muuqata in horumar badan laga sameynayo, balse weli waxaa nabadda Soomaaliya Caqabad ku ah Al-shabaab, sidoo kale kaliya Soomaaliya caqabad kuma ahan kooxdan ee waxay kaloo caqabad ku yihiin geeska Africa” ayaa lagu yiri warbixinta Golaha ammaanka.

Golaha ammaanka ayaa ugu baaqay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM iney xoojiyeen dadaallada ay Al-shabaab uga saarayaan guud ahaan dnalka.

Dhanka kale Golaha ammaanka ayaa walaac ka muujiyey xaaladda amni ee kasii dareysa gudaha Kenya, kadib weeraro is xig xiga oo Al-shabaab ku qaadayaan magaalooyin kamid ah dalkaasi.

Xarakada Al-shabaab waxay xoojiyeen weerarada ay ka geysanayaan gudaha dalka iyo sidoo kale dalka Kenya oo kamid ah dalalka ciidamada Nabad Ilaalinta ka joogaan Soomaaliya.

Goobjoog News