U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Ku Baaqday In Doorasho Hufan Ka Dhacdo Koonfur Galbeed

Sheeko:Baarlamaanka

Iyada oo laga ambaqaadayo dhacdooyinka maalmahan ka dhacayey iyo kala qeybsanaanta bulshada halkaasi ku nool, xafiiska qaramada midoobey ee Soomaaliya waxuu dhinacyada Koonfur galbeed ugu baaqay inay ka fogaan colaadda iyo wax walbo oo caqabad keeni kara, ku shaqeeyaan midnimo, isla markaana doorashada u dhacdo sidii loogu talagalay.

“Maadaama doorashadan ay tahay midda ugu horeysa ee doorashooyin ka dhacaya dalka oo dhan-gobollada sanadka dambe iyo dalka oo dhan 2020-ka- waxaa jirta baahi ah inay noqdaan kuwoo hufan oo si nabad ah u dhaca” waxaa sidaasi sheegay ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom.

Haysom waxaa uu rajeeyey in hoggaanka Soomaalida ay xal u heli-doonaan dhibaatooyinka jira iyo in laga fogaado colaadda iyo dhibaatada inta doorashada socoto ama kadibba, una dhacaan si hufan oo nabad ah, taasi oo keeni karta in la aqbalo waxa ka soo baxa

Koonfur galbeed ayaa waxaa ka taagan dhibaato, dowladda federaalka ah ayaa lagu eedeeyey in goobta geysay murashaxiin ay wadato.

Goobjoog News