U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Ku Celisay In aaney Aqbaleyn Waqti Kordhin, Doorashooyin Hal Dhinac ama Isbarbar socda

Sheeko:Amniga

Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa goordhow soo saaray qoraal uu uga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in dhammaan madaxda Soomaalida ay joogaan Muqdisho, lana joogo in la wada hadlo. Waxaana lagu yiri’ Dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaalida ee muhiimka ah waxaa ay joogaan Muqdisho. Waxaa la joogaa xilligiii kasii wada lahaa kulamo wadatashi oo aan rasmi aheyn oo u dhaxeeya dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada, lana aadi lahaa doorasho.

Dhanka kale, beesha caalamka waxaa ay qoraalkeeda uga digtay arrimo ay ka mid yihiin waqti kordhin, doorashooyin isbarbar socda ama hal dhinac ah, waxaana lagu yiri ‘Beesha caalamka waxaa ay ku celineysaa in aaney taageeri doonin ‘Doorasho hal dhinac ah, ama isbarbar socda ama hindise kasta oo horseedi kara kordhinta hawlaha horyaalla.

Hadda, waxaa Muqdisho ka socda shirar badan oo kala gaargaar ah, dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada taageersan sida Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabelle oo lagu daray gobolka Banaadir waxaa ay ku shirayaan Afisyooni halka Puntland, Jubbaland iyo midowga Badbaado qaran ay joogaan meelo kale oo Muqdisho ah.

Goobjoog News