U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Musuq Ku Eedeysey SOMA Oil

Sheeko:Dalka

Kooxda kormeerka cunaqabataynta hubka Soomaaliya ee Qaramada Midoobey ayaa shirkadda shidaal barista ee Soomaaliya ee SOMA Oil and Gas ku eedeysey in ku kacday falal musuqmaasuq ah iyo laaluush ay siisey saraakiisha dowladda Soomaaliya markii loo saxiixayay qandaraaska shidaal baarista iyo kadibba.

Warbixin ay soo daabacday wakaaladda wararka ee Reuters ayaa lagu sheegey in baarayaasha Qaramada Midoobey ay ogaadeen in shirkadda ay laaluush ahaan u bixisey lacag gaaraysa $600,000 oo la siiyey mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda batroolka si loo xajisto qandaraaska, loona helo qandaraas kale oo shidaal soo saaris ah.

Warbixinta baarayaasha oo ka kooban 28 bog ayaa waxa ay sidoo kale xuseysaa in SOMA ay bixisey lacag gaaraysa $495,000 oo ay siisey garyaqaan u dhaxeeyey shirkadda iyo dowladda, soona dhameeyey qandaraaska.

Warbixintani ayaa waxa ay horseedey in wakaaladda baarista dambiyada dhaqaalaha ee culus ee UK ay baaris dambiyeed ku biloowdo shirkadda SOMA Oil and Gas.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisey in wax lacag ah oo laaluush ah lagu bixiyey qandaraaska, waxayse sheegtey in ay wada shaqayn baarista kala yeelan doonto baarayaasha UK.

Goobjoog News

Mawduucyada:Shidaal