U bood dhigaalka

Qaramada midoobey oo taageertay heshiiska maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud

Sheeko:War
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay
Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay ayaa soo dhoweeyay heshiiska hal maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kay ayaa tallaabadan ku tilmaamay hirgalinta nidaamka federalka oo ah in la xoojiyo dhismaha maamullada gobollada dalka.

Wakiilka xoghayaha guud ee Q.M  ayaa sidoo kale xusay in dhisidda maamul loo dhan yahay lagu gaari karo oo kaliya wada hadal iyo iskaashi ay yeeshaan dhinacyada ay quseyso.

Wuxuu tilmaamay in qaramada midoobay ay ka go’antahay taageeridda dadaallada nabadda iyo horumarka ee ay waddo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho ayaa shalay lagu saxiixay heshiis maamul KMG ah loogu dhisayo gobollada Galgaduud iyo Mudug oo ka tirsan gobollada ku yaalla bartamaha Soomaaliya, iyadoo heshiiskaas saxiixiisa ay goobjoog ka ahaayeen xubno ka kala socday maamullada Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, laakiin waxaa maqnaa xubnihii matalayay maamulka Ximan iyo Xeeb; inkastoo qoraalkii kasoo baxay madasha shirka uu ka muuqday saxiixa ruux heshiiska ku matalayay Ximan iyo Xeeb.