U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Waxaa Mas’uuliyad Naga Saaran Xasiloonida Soomaaliya

Sheeko:Dalka

António Guterres, xogheyaha guud ee qaramada midoobey ayaa sheegay in ay hey’addan dowliga ah mas’uuliyad ka saaran tahay xasiloonida Soomaaliya.

“Xogheyaha guud waxaa uu si xoogan ugu howlan yahay sidii Soomaaliga uga caawin lahaa dadaallada ku aadan iney hesho nabad, xasilooni iyo barwaaqo” sidaasi waxaa lagu sheegay qoraal jimcihii ka soo baxay xafiiskiisa.

Arrintan ayaa timid kadib markii uu sheegay inuu wakiil cusub u soo magacabai-doono Soomaaliya kadib markii ay Villa Somalia iska diiday wada-shaqeynta Nicholas Haysom.

Goobjoog News