U bood dhigaalka

Qarax Ay Waxyeelo Ka Soo Gaartay Askar Ka Tirsan Ciidanka Dowladda oo Ka Dhacay Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaaraya degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi qaraxyo lagula eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, qaraxyadaan ayaa ahaa labo miino oo dhulka lagu aasay kuwaas oo lala beegsaday askar ka tirsan ciidanka dowladda waxaana qaraxyadaasi ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxyada ku geeriyooday labo qof oo mid ka mid ah uu yahay askari, halka saddex qof oo kale ay dhaawacmeen.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo soo gaaray goobta ayaa bilaabay baaritaano kala duwan iyaga oo waqti kooban hakad galiyay isku socodka degmada Awdheegle wallow markii dambe ay xaaladdu si caadi ah ku soo laabtay.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxyadaan iyada oo inta badan dagaalamayaasha Al shabaab looga bartay inay sheegtaan qaraxyada nuucaan ah.

Goobjoog News