U bood dhigaalka

Qarax Caawa Ka Dhacay Degmada Warta Nabadda Ee Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax xooggan ayaa caawa waxa uu ka dhacay Isgoyska Cali Kamiin, degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho, kasi oo khasaare geystay.

Warar kala duwan ayaa waxay kasoo baxayaan qaraxan waxa uu ahaa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inuu qaraxan ahaa Miino dhulka ku aasneyd oo lala eegtay gari halkaasi marayey.

Goob jooge ayaa inoo sheegay in halkaasi ay ku dhaawacantay ugu yaraan Seddex qof oo shacab ah, kuwaasi oo halkaasi ka dhowaa.

Ciidamada dowladda ayaa gaaray goobta qaran oo ka dhacay, waxaana dhanka kale halkaasi gaaray gaadiidka gurmadka degdegga ah oo qaaday dadkii dhaawacmay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News