U bood dhigaalka

Qarax Caawa Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa caawa fiidkii ku qarxay inta u dhaxeysa Isgoyska Boondheere iyo taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho.

Gaarigan ayaa la sheegay inuu ku ag qarxay goob lagu sameeyo taayeerada gaadiidka, ama Goomiiste, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Ugu yaraan Hal qof ayaa goobta qaraxa uu ka dhacay ku geeriyoodey, Saddex kalena waa ay dhaawacmeen sida ay inoo sheegeen dad goobta ka dhowaa.

Gaadiidka dabdamiska iyo sidoo kale kuwa Ambalaasta ayaa goobta gaaray, waxaana halkaas laga soo qaadey dadkii dhaawac ahaa.

Weli saraakiisha amniga gobolka Banaadir faah faahin kama aaney bixin qaraxaan oo xooggiisa laga maqlay inta badan Muqdisho, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News