U bood dhigaalka

Qarax Ciidamada AMISOM Lagula Eegtay Degmada Afgooye Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay askar ka tirsan Ciidanka AMISOM, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Ciidamadan oo ka tagay magaalada Muqdisho ayaa markii ay marayeen Afgooye la sheegay in qaraxan lala eegtay, waxaana waxyeello soo gaartay gaarigii qaraxa uu haleelay.

Inta la xaqiijiyey Labo qof oo shacab ah ayaa halkaasi ku geeriyootay, iyadoo qaraxa ka dib ay ciidanka AMISOM rasaas fureen.

Lama oga khasaaraha halkaasi kasoo gaaray ciidanka AMISOM, hase ahaatee wararku waxay sheegayaan in dadka dhintay ay ku dhacday rasaasta AMISOM furtay.

Goobta qaraxa uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamada maamulka degmada Afgooye kuwaasi oo baaritaanno billaabay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News