U bood dhigaalka

Qarax ciidamada AMISOM lagula eegtay degmada Hilwaa iyo wadooyin badan oo xiran

Sheeko:Dalka

Ciidamada AMISOM ayaa maanta Qarax Miino waxaa lagula eegtay xaafadda Suuqa Xoolaha, degmada Hilwaa ee Magaalada Muqdisho, waxaana ilaa hadda aan la ogeyn Qasaaraha ka dhashay Qaraxaan.

Wararka ayaa sheegaya in gaadiidka AMISOM oo halkaasi maraayay lala eegtay Qaraxaan, iyadoo intaasi ka dib ay ciidamadaan xirteen wadooyin badan oo Hilwaa ka mid ah.

Qarax Labaad ayaa sidoo kale laga maqlay isgoyska SOS ee isla degmadaasi, waxaana ciidamada AMISOM la sheegay in ay rasaas fureen.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan xaafadda Suuqa Xoolaha kana gaabsaday magaciisa ayaa u sheegay Goobjoog Fm in rasaas ay fureen ciidamada AMISOM uu ku dhintay wiil dhalinyaro ah, kana mid ah dadka deegaanka.

Wadooyinka ay ciidamadaan xireen ayaa la sheegayaa inay yihiin, wadada dheer ee gasha Xaafada suuqa Xoolaha, laga soo bilaabo Ekis Koontarool (Ex-Control) Balcad ilaa Biyo dageenka Suuqa Xoolaha.

Dhanka kale waxaa lagu soo waramayaa in ay xiran tahay wadada isku xirta Isgoyska SOS ilaa iyo masjidka Oorfane ee Xaafadda Waxar-cadde.

Ma jiro wax isku socod gaadiid iyo dadweyne ah, waxaana wadooyinka aynu soo sheegnay dhan lagu arkayaa ciidamo ka mid ah AMISOM, shacabkana guryahooda ayeey ku jiraan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News