U bood dhigaalka

Qarax Dad Badan Ay Ku Dhinteen Oo Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax Miino oo saakay waabarigii ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Gaari nooca dadweynaha ah oo ay shacab badan la socdeen ayaa la sheegay in qaraxan uu haleelay, waxaana inta la xaqiijiyey geeriyootay dad ka badan 15 qof sida ay Goobjoogayaal inoo sheegeen, iyadoo la xaqiijiyey inay dhaawacmeen Labo kale.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa loo soo qaaday isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, iyadoo maamulka Lafoole aanu weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News