U bood dhigaalka

Qarax Gaari Loo Adeegsaday Oo Goor Dhow Ka Dhacay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax loo adeegsaday gaari uu ka dhacay saldhigga ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin halkaas gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Ilo xog ogaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in weerarka oo ku billowday qarax aad u weyn. waxaana xigey rasaas illaa hadda la maqlayo oo qaarkeed ay ridayaan ciidamada Jabuuti.

Magaalada ayaa laga arkayaa uuro cirka isku shareertay halkii uu ka dhacay qaraxa ee fariisinka AMISOM ee magaalada Baladweyne.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira hase yeeshee lama ogaan karo hadda, iyadoo weli aan war rasmi ah laga helin in gaariga qarxay uu saarnaa qof ismiidaamiye ah iyo in kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News