U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhow Isgoyska Xaawo Taako oo kaaabiga ku haya Tiyaaatarka Qaranka.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxan, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in gaari weyn oo laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana la dhigey bannaanka maqaayado halkaasi ku yaalla uu qarxay.

Khasaaraha inta uu la egyahay lama oga, waxaase jira waxyeello soo gaartay dad shacab ah oo halkaasi ka dhowaa.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa ku mashquulsan qaadista dadka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News