U bood dhigaalka

Qarax Gaari Oo Goor Dhow Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Sheeko:Dalka

Gaari la sheegay in laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa goor dhow wuxuu ku qarxay meel ku dhow isgoyska bacadlaha degmada X/weyne ee magaalada muqdisho.

Qarxan oo ahaa mid xooggan ayaa dhowaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho.

Dad ku dhow halka qarxan uu ka dhacay ayaa sheegaya in goobta gaarigan uu ku qarxay ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Waxaa jira khasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxan, balse inta uu khasaarahaasi la egyahay lama hayo.

Gaadiidka gurmadka degdegga ah ayaa gaaray halka qaraxan uu ka dhacay, kuwaasi oo soo daabulaya dadka waxyeellada soo gaartay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News