U bood dhigaalka

Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax gaari ayaa maanta ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka magaalada Muqdisho, kaasi oo khasaare kala duwan geystay.

Gaarigan ayaa la sheegay in xaafad ku taalla Siinka Dheer isaga oo marayey uu halkaasi bacaad ku galay, islamarkaana Labo ruux oo la socotey ay ka dalbadeen shacabka in ay la bixiyaan.

Hase ahaatee dadkii meesha ka dhowaa ayaa markii ay ka daaleen, waxaa la xaqiijiyey in ay goobta isaga kala tageen, balse gaariga oo laga shakiyey ayaa waxaa soo aaday ciidamada ammaanka.

Wadihii gaariga ayaa la sheegay inuu qarxiyey gaariga, waxaana halkaasi ku dhintey isaga iyo qof kale oo la socdey, waxaana dhaawac uu soo gaaray ruux kale.

Goobta uu qaraxa a dhacay waxaa gaaray saraakiil iyo ciidamo  ka tirsan  dowladda federaalka, kuwaasi oo baaritaan sameeyay.

Goobjoog News