U bood dhigaalka

Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in goor dhow halkaasi uu ka dhacay qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa islamarkaana uu saarnaa qof ismiidaamiye ah.

Qaraxan ayaa lagu weeraray sida la sheegay xarun ay ciidanka Booliiska iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen buundada degmada Afgooye, iyadoo halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Waxaa la maqlayaa rasaas ka dhaceysa halka qaraxan uu ka dhacay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay daba socdeen qaraxan.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye ayaa ah mid aad u kacsan, waxaana inoo suurtagelin inaan helno mas’uuliyiinta maamulka degmada Afgooye isgaarsiinta oo aad u adag awgeed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News