U bood dhigaalka

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Ka Dhacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxay sheegayaan in qarax Ismiidaamin ah uu ka dhacay magaaladaasi, gaar ahaan saldhigga dhexe.

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa la sheegay in saldhigga uu galay, walow warar kala duwan ay kasoo baxayaan meesha uu qofkaan isku qarxiyey, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in bannaanka hore ee saldhigga isku qarxiyey.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxan, marka laga soo tago ismiidaamiyahii oo dhintay, iyadoo ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal iyo baaritaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News